Waxaa jiraan iskooro dhaxal gal ah oo Boxoffice-ka Bollywood-ka soo mareen qaarkooda waa la jebiyay qaar kalena ilaa haatan lama jebin.
Balse labada Mega Star Amitabh Bachchan iyo Salman Khan waxay heesteen iskooro ay u badan tahay inay waligood jiri doonaan!
Hadii aan sii sharaxno waxaan ula jeednaa in Big Bachchan iyo Sallu inay sameeyeen hal sano sedexda filim ee lacagaha ugu badan soo xareeyeen.
Hadii aan sii jilcino waxaa loola jeedaa hal sano filimada 1-aad, 2-aad iyo 3-aad ka galeen aflaanta lacagaha ugu badan soo xareeyeen in Amitabh iyo Salman oo kaliya iskooraan sameeyeen.
Amitabh Bachchan Iyo Sida Uu Ku Sameeyay Hal Sano 3-Filim Lacagaha Ugu Badan Soo Xareeyeen:
1. Muqaddar ka Sikandar (Blockbuster)

2. Trishul (Superhit)
3. Don (Hit)
Sanadii 1978 ayuu Amitabh Bachchan iskoorkaan taariikhiga ah dhigay oo ay Bollywood-ka la yaabeen madaama hal sano sedexdiisa filim lacagaha ugu badan soo xareeyeen.
Salman Khan Iyo Sida Uu Ku Sameeyay Hal Sano 3-Filim Lacagaha Ugu Badan Soo Xareeyeen:
1. Hum Saath Saath Hain (Blockbuster)
2. Biwi No 1 (Superhit)
3. Hum Dil De Chuke Sanam (Hit)
Sanadii 1999 ayuu Salman Khan iskoorkaan ka bar bareeyay Big Bachchan waxayna qaadatay 21-sano in iskoorkaan taariikhiga ah mar labaad atoore la imaado sedexda filim lacagaha ugu badan hal sano soo xareeyeen.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here