Atirishada awooda badan ee guusha u saaxiibka ah Anushka Sharma Kangana ayee isku daandaansatay maadama hadal Kangana kasoo horjedo tiri xidigtaan.
Anushka Sharma waxaa kasoo yeeray hadal Kangana Ranaut dhibsan doonto halka Karan Johar-na laabta u qaboojin doono.
Bollywood-ka waxaa ka dhex taagan muran ay abuureen Karan Johar iyo Kangana oo dagaal dhanka afka ah isku qaadeen, madaama Kangana ku tilmantay Karan in dadka qaraabadiisa ah kaliya garab siiyo sidoo kalena jilaayasha aysan u sineyn.

Hadaba Anushka Sharma ayaa la weydiiyay in Bollywood-ka ay ka jirto is qaraabeysi ama dadka isku dhow kaliya isla shaqeeyaan.
Anushka Sharma waxay tiri “Uma maleenayo in Bollywood-ka qaraabonimo shaqo la isku siiyo waayo shirkada aniga isoo saartay Yash Raj Films sanadii 2008 waxba iskuma nihin hadana waxa igu aamineyn inaan Rab Ne Bana Di Jodi la sameeyo Shah Rukh Khan”
“Aditya Chopra wuxuu heestay uu qarabaadiisa ugu dhiiban karay filimkiisa ama uu soo xulan karay caruurta ay dhaleen jilaayaasha Bollywood-ka caan ka ah laakiin midaas ma sameynin ee anigoo aqoon la ii laheyn garabna heysanin ayuu fursad qaali ah i siiyay”
“Aniga hadii aan ka hadlo waaya aragnimadeyda waligey qaraabonimo la iguma soo dhaweysanin aniga dad shaqo kuma siinin ee qofkii wax tar leh dadka ayaaba u baahan”
“Waxaa kaloo xusid mudan in Yash Raj Films ay soo saareen jilaayaal aysan xiriir qoys laheyn sida aniga, Ranveer, Arjun Kapoor, Parineeti Chopra iyo kuwo kale, marka qaraabonimo in wax la isku siiyo Bollywood-ka kam jirto”

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here