Deepika Padukone looma dhowaan karo waxay noqotay xidig caalami ah darajdeedana marba marka kadambeysa wey sii kordheysaa, markaana waxaaa loodortay safiirka quruxda aduunka ( Global Brand Ambassador), taaso ay darajadaas horay u gaareen xidigaha kala ah Jane Fonda,  Blake Lively, Julianne Moore, Susan Sarandon iyo waliba Aishwarya Rai.
“waxaan marwalba aaminsana in qofka nafsad ahaantisa marka loofiriyo quruxda dareenka ah ee muuqata ay ka bilaawaneso dareenka nafsad ahaan ee qofka isku kalsoonyahay L’Oreal Paris waa fariin aad u weyn, sababto ah fariintas weyn waan uqalanaa, waana mid aan marwalba ku hamino dumarkeena inaa sida sameyno.”
Deepika aya sida tiri xili wareysi laga qaadayey, xidigtaan waxay fanka Bollywoodka kusoo biirtay sanadii 2007 ayadoo keentay filimkii Blockbuster ka weyn nowday ee Om Shanti Om kaaso SRK hogaamiye ka ahaa, sido kale xidigtaan mudo dheer oo ay Fanka Bollywoodka hormarweyn ka gaartay waxay ku biirtay dhanka kale iyo samenta aflaanta Hollywoodka ayadoo kusoo caan baxday filimkii Hollywoodka ahaana keedi ugu horeyay Xxx Return of Xander Cage.

waa xidig caaqil ah quruxleyna ha guulahana usaaxiibka intaaso dhan oo isugu darsameen ayee maanta darajadan ku gaartay iyo booskaas loo magacaabay.
sido kale xidigtaan waxay iska diiday inay kasoo qeyb gasho bandhiga caalamiga ah ee aflaanta sanadlaha loogu dabaal dagayo bisha May, ayado sheegtay in ay ku mashquulsantahay filimkeeda Padmavati marka ay iska diideysana waa bishii May xiligaaso ay duubis ku waday Padmavati.
Dhanka Shaqada Filimkeeda xiga xidigtaan waa Padmavati kaaso la daawan doono 1 Dec 2017 waxaana kula weheliyaan Shahid Kapoor Iyo Ranveer Singh halka Sanjay Leela Bhansali u hogaamiye ka yahay.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here