Shah Rukh Khan oo bixiyey 2 jawaabood oona laga yaabay markii wax laga waydiiyey hadii ay shabbad ku

Shah Rukh Khan oo bixiyey 2 jawaabood oona laga yaabay markii wax laga waydiiyey hadii ay shabbad ku taal iyo inuu bilyineer yahay

0

Shah Rukh Khan oo bixiyey 2 jawaabood oona laga yaabay markii wax laga waydiiyey hadii ay shabbad ku taal iyo inuu bilyineer yahay  Af Somali

Xidigaha bollywood ayaa intooda badan jecel inay jirkooda ku xardhaan shaabado ama taatoo, tusaale ahaan waxaa ka mid ah Seif Ali Khan, Akshay Kumar iyo Salman Khan.

Waxaa jira hal xidig bollywoodka kamid ah aana jirkiisa wax shaabada ku xardhin waana Shah Rukh Khan. Waraysiyo gaar ahaa oo uu bixiyey, ayaa Superstar Srka la weydiiyey hadii uu ka fikiray inuu jirkiisa ku xardho shaabad ama ay ku xardhantahay. Shah Rukhan ayaa cadeeyey in jirkiisu ay wax shaabado ah uu san ku xardhin. Hadalkiisan waxaa ka mid ahaa:

” aniga iguma taal wax shaabad ah “

Qof kastaaba waxuu sugayey inuu intaa hadalkiisa ka dhigi doono laakinse may noqon. Asagoo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:

“balse waxaan leeyahay bar dabiici ah Waxaanay iigatala dabada agteeda saan filayo balse ana ma arag.”

Mana jiro qof garanaya inuu hadalkaani inuu xaqiiq ama kaftan yahay iyo inkale. Srka ayaa waxa la waydiiyey hadii uu yahay bilyiinaar iyo hadii kaletaba, maadama oo hantidiisa lagu qiyaaso 600 milyan oo dolar.

Asagoo si toos ah su’aashas uga jawaabin ayaa yiri:

“Ma aqaan inta eber ee loo baahan yahay marka la isticmaalayo sarifka rupeska si aan isugu sheego inaan ahay bilyiinaar, balse waalaga yaaba inaan garanaayo dollarka sida aawadeed waan hubaa inta lacag een haysto.”

SHARE

LEAVE A REPLY