Fikir nooceeya ayuu ka qabaa Akshay Kumar filimada uu sameeyo sanad walba.

0

Fikir Nooceeya Ayuu Ka Qabaa Akshay Kumar Filimada Uu Sameeyo Sanad Walba.

Fikir Nooceeya  Ayuu Ka Qabaa Akshay Kumar Filimada Uu Sameeyo Sanad Walba.

Akshay kumar ayaa sheegay Inuu 4 filim keeni doono sanadkan 2017ka. Balse Mr. Kumar ayaa sheegay in Filimadan badan ee uu sameeynaayo sanad walba aanay asaga u balan qaadi doonin inuu si dhibyar ku helo Darajada superhero, balse kaliya uu doonaayo inuu ahaado “Good Hero”

Jilahaan weyn ee 49jirka ah ayaa shaaciyey in uu doonaayo kaliyaa inuu hal mid noqdo taasina Ay tahay Geesi wanaagsan oo dhanka filimada Ah, isla markaana uu shaqeeyo intii Awoodiisaa.

Wakhti xaadirkan ayaa Akshay kumar duubaya filimka Toilet Ek Prem katha, isla markaana uusoo Afjaray filimka duubistiisi JOLLY LLB, wuxuuna filimka Robot 2.0 uu kala soo muuqandoono Superstar Rajinikantha hase yeeshe mashruucisa 4aad uu Noqon doono sanadkan Padman. Waxaana ka mid Ahaa hadalo uu Yiri;

“Waxaan isku dayay inaan noqdo Geesi fiican Balse isku daygaygu maahan inaan noqdo superhero.”

 Akshay kumaar ayaa saa ugu sheegay shabakadda Express ee india . Markii la waydiiyey haduu ogsoonyahay inuu filimada uu sameeyo sanadkasta . Ay u balan qaadeen darajo Geesinimo dhanka filimada ah. Akshay Kumar oo hadal kiisa sii wata ayaa yiri.

“Waxaan Bollywood industry ku haysana jilayaal badan oo Gaaray superhero. Balse ujeedkaygu waa iinaan noqdo Geesi iyo inaan shaqeeyo inta karaankayga.”

SHARE

LEAVE A REPLY