Energetic Star Ram Pothineni filimkiisa Vunnadhi Okate Zindagi ayaa si rasmi ah loo soo bandhigay todobaadkiisa kowaad ganacsiga uu sameeyay dibad iyo dal.
Filimkaan Telugu ah ganacsigiisa waxaa soo bandhigtay shabakada Andhara Boxoffice oo inta badan lagu tixgaliyo soo bandhigada macluumaadka filimada Koonfur Hindiya sameeyaan.
Filimka Vunnadhi Okate Zindagi wuxuu todobaadkiisa kowaad keenay 23.50 Crore (Worldwide Gross) isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka sidoo kalena saami ahaan waxay kooxda cajaladaha qeybiyaan ka heleen 13.40 Crore (Distributor’s share).
Filimka Vunnadhi Okate Zindagi kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay xuquuqdiisa ku iibsadeen 22 Crore haatana hal todobaad 13.40 Crore ayaa laga helay taasi oo ka dhigan in 60.91% inuu dib usoo celiyay lacagaha lagu iibsaday.
Filimka VOZ sedexdiisa maalmood ee hore ayuu ganacsigiisa fiicnaa kadibna hoos u dhac ayuu sameeyay hadana waxaa qasab ku ah inuu todobaadkiisa labaad ganacsi wacan sameeyo hadii kale mashruucaan wuxuu noqon doonaa mid heerkii laga filaayay gaari waayo.
Shabakada hoos kaga bogo hal todobaad filimka VOZ ganacsiga uu suuq walbo ka sameeyay sida shabakada Andhara Boxoffice soo daabacday:
Gobolka Telugu gaar ahaan Nizam/AP wuxuu ka keenay 18.30 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 11.55 Crore
USA Boxoffice wuxuu ka keenay 2.05 Crore, saami ahaan waxa laga helay 0.72 Crore
Gobolka Karnataka wuxuu ka keenay 2 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 0.79 Crore

Dunida inteeda kale wuxuu ka keenay 1.15 Crore, saami ahana waxaa laga helay 0.34 Crore
Wadarta Guud lacagata uu keenay dibad iyo 23.50 Crore, saamiga guudna waxaa laga helay 13.40 Crore
Filimka VOZ Iyo Sida Disaster Ilaa Blockbuster Ku Noqon Karo Hoos Kaga Bogo:
Blockbuster wuxuu ku noqon karaa marka saami ahaan laga helo 33 Crore+
Super Hit wuxuu ku noqon karaa marka saami ahaan laga helo 26.40 Crore ilaa 32.99 Crore
Hit  wuxuu ku noqon karaa marka saami ahaan laga helo 22 Crore ilaa 26.39 Crore
Above Average  wuxuu ku noqon karaa marka saami ahaan laga helo 19.80 Crore ilaa 21.99 Crore
Average  wuxuu ku noqon karaa marka saami ahaan laga helo 17.67 Crore ilaa 19.79 Crore
Flop  wuxuu ku noqon karaa marka saami ahaan laga helo 14.67 Crore ilaa 17.59 Crore
Disaster  wuxuu ku noqon karaa marka saami ahaan laga helo 14.67 Crore iyo ka yar marka laga helo

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here