Golmaal Again ayaa ganacsi heer sare ah sameeyay todobaadkiisa labaad wuxuuna keenay 45.75 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India soo daabacday.
Golmaal Again wadarta guud mudo labo todobaad ah wuxuu gudaha Hindiya kasoo xareeyay 181.50 Crore (Trade Figure) waana Hit-ka ugu weyn 2017 Bollywood-ka sameeyaan iyo Blockbuster-ka ugu horeeyo sanadkaan Bollywood-ka la imaadaan.
Golmaal Again wuxuu ku socdaa sidii 200 Crore gudaha Hindiya kaga soo xareyn lahaa balse wax walbo waxay ku xirnaan doontaa maanta oo uu Jimcadiisa sedexaad guda galo ganacsiga uu sameeyo.
Golmaal Again waxaa maanta ganacsi ahaan cariiri galin karaan filimada Ittefaq iyo Thor – Ragnorak oo Hollywood ah kaasi oo gudaha Hindiya la saaray.
Golmaal Again markale inuu ganacsi adag sameyn karo todobaadkiisa sedexaad waxaa laga cabir qaadan karaa in la siiyay ama loo qoondeeyay 1200-tiyaatar waana fursad wacan oo ka caawin karto inuu 200 Crore gaaro filimkaan.

Fadlan hoos kaga bogo Golmaal Again lacagaha uu soo xareeyay mudo labo todobaad ah sida shabakada Boxoffice India soo daabacday:
Todobaadka kowaad – 135.93 Crore
Todobaadka labaad – 45.75 Crore
Wadarta Guud – 181.68 Crore (Trade Figure)
Golmaal Again mudo labo todobaad ah Mumbai iyo hareeraheeda wuxuu kasoo xareeyay 78 Crore waana filimka lacagaha ugu badan Mumbai kasoo xareeyo ee xiliga feestada Diwali la daawado asigoo dhaafay Prem Ratan Dhan Payo oo xiliga feestada Diwali 2015 la daawaday kana keenay Mumbai 70 Crore.
Golmaal Again Mumbai oo kaliya ayuu ka keeni doonaa 86 Crore cimri ahaantiisa marka uu tiyaatarada ka dago wuxuuna bar bareen doonaa filimkii Sultan oo isla lacagtaan oo kale Mumbai ka keenay sanadii 2016.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here