Guud ahaan magaca Super Star kudhawaqidiisa waxay bilaawatay xiligii 70 kii taaso loogu magac daray Super Starkii ugu horeyay Bollywoodka oo magacan lasiiyo kasoo ah Rajesh Khanna.
hadaba Bollywoodka waxaa kasoo shaqeyeen jilayaal badan kuna soo bandhigeen qaab jiliin cajiib ah daawadayaasha kuwada riyaaqeen.
waxaa jiraan jilayaal badan oo Super Stars noqdeen balse kuwooda ugu awooda badnaa ayaan wax ka shegeena oo maanta halkaan kuxusi doonaa.
horta magaca Super Star ma ahan darajo atooraha gaaro balse waa atoora laga helay qaab jiliinkisa iyo waxqabadka uu Box Officeka uukuso kordhiyay iyo daawadayasha iyo Bollywoodkaba  uu qanciyay jiliinkisa ay kaheleen aye ugu magac dareen magacan Super Star.
hadaba waxaa jiraan jilayaal badan oo aad usoo shaqeyeen balse waa kuwe kuwii ugu awooda badnaa oo isku badbadalayeen Bollywoodka.
dhamaadkii 40kii iyo bilawgii 50kii waxaa awooda  Bollywoodka gacantiisa ay ugu jirtay jilaagi weyna Raj Kapoor
hadaba Raj Kapoor waa aabaha dhalay halyeeyga aan wada naqaano ee Rishi Kapoor.
Raj Kapoor waxaa loogu naaneesi jiray Showman wuxuu ahaa xidig weyn oo awood leh lagana dambeyay, wuxuu ahaa Actor, Producer iyo waliba Director inaba caadi ma aheen.

bilawgii 50kii waxaa yimid boqorkii shaneemoyinka Dilip Kumar kaaso awood cad ku qabsaday dhamaan fanka hindiya, dilip kumar qaab jiliinkisa wacnaa ayuu meel cidlo ah kaga soo tagay halyeeygii markii hore Bollywoodka iska heystay ee Raj kapoor.
Dilip Kumar wuxuu kamid ahaa fanka hindiya jilaa soomara kuwoodi ugu awooda badnaa.
SRK oo kahadlaayo Dilip Kumar wuxu yiri,” majiro jilaa Bollywoodka somaray ama soomari doono oo gaari karo daraja mudane Dilip uu gaaray hadii uujirana waa nacas anigoo kale ah.” SRK wuxuu taagero buuxdo u ahaa Dilip Kumar iyo waliba Amitabh Bachchan.
sido kale Big B ayaa hada kahor kahadlay Dilip Kumar wuxu yiri,” aduunka waxaan ugu jeclahay filimkeyga inuu daawado mudane Dilip xataa hadii la waayo shaqsi kale oo daawado mar hadii Dilip Kumar uu daawado farxad iimadhimna.” Amitabh Bachchan wuxuu taagero u ahaa asna Dilip Kumar.
bilawgii 70kii waxaa yimid jilaa awood badan oo fanka hindiyo dhan gilgilay waana sababta keentay in magaca Super Star lookeno hadaba waa kuma jilaagan dartiisa magacaas lookenay waa Rajesh Khanna.
Wuxuu ahaa jilaagi ugu horeyay oo magacan loogu dhawaaqo, Rajesh Khanna wuxuu dhexdagay quluubta shacab weynaha india iyo dhamaan daafaha caalamka.
xidigaan waxaa lashegay in bartamihii 70kii ay gabdhaha warqad jaceyl usoo diri jireen taaso ay kusoo qori jireen warqada dhiigooda jaceylka uu kasameystay shacabka heerkas ayu gaarsiisna.
mar ay kahadleesay atariishadii Mumtaaz  xidigaan waxay tiri,” hotelka markaan kasoo baxno hoteelka hortiisa waxaa buuxaan  gabdho gaaraya ilaa 600 oo gabdhood kuwaaso sugayan Rajesh inay saxiix ka qaataan.”
sido kale gaarigiisa meesha uuyalo hadee taagerayashisa arkaan xidigaan gabdhaha shumis aye ka buxin jireen heer markii damble la arko gaariga oo wada rooseto ah.
dhamaadkii 70kii Big B ayaa qabsaday oo Super Star weyn laga dabo dhaco noqday maadama dad weynaha joojiyen daawashada aflaanta jaceylka iyagoo markaa u gadoomay daawashada aflaanta actionka ah waxaana xiligaa actionka ugu heystay Amitabh Bachchan.
inkastoo ay jireen xidigo kale oo awood lahaa xiligaas sida Dharmendra iyo Vinod Khanna hadana Big B ayaa ahaa kan ugu awooda badan.

Amitabh Bachchan ayaa awood kuheystay Bollywoodka tan iyo dhamaadkii 70kii ilaa iyo bilawgii 90kii.
hadaba bilawgii 90kii waxaa yimaadeen 3 khan oo qaab jiliinkooda aad loola cajibay waxayna kala yihiin Shahrukh Khan, Aamir Khan iyo waliba Salman Khan.
90kii ilaa haatan waxaa awooda Bollywoodka ay gacanta ugu jirta sedexdaan Khan, inkastoo 90kii ilaa qarnigaan cusub ay jireen atoorayal awood badan sida Sunny deol oo ahaa xidiga ugu awooda badnaa 1990 ilaa 1999 iyo waliba sida Govinda, anil kapoor, Sanjay Dutt iyo kuwa kaloo badan, hadana sedexda khan waxay kamid ahaayen udub dhexaadka Bollywoodka xiligaas.
bilawgii qarnigaan ilaa haatana ay ayaga isku badbadalaan, balse waxaaa jiraan atoorayaal ayaga qarnigaan cusub la tartamaan sida Akshay Kumar, Hritik Roshan Iyo waliba Ajey Devgan.

hadaba saadaalin lasameyay mustaqbalka dhow iyo Super Starska Bollywoodka awood ku qabsan doonan:
Ranbir Kapoor, Ranveer Singh, Sidharta Malhotra iyo waliba Varun Dhawaan.
F.G: Aqriste keeba isledahay dhalintaan an kor kuxusnay aya Bollywoodka awood ku qabsan doona

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here