Filim sameeyaha caanka ah Karan Johar ayaa arin kaftan ku dheehan balse hadal xoogan ka dhalatay kasoo yeertay xili noloshiisa gaarka ah toosh weyn lagu iftiiminaayo.
Karan Johar oo ka qayb galaayay bandhiga India Today Conclave ayaa goobta ka sheegay arin kaftan ku dheehan kadib markii saxaafada uu si qalbi furan ula fal galay.
Karan waxaa la weydiiyay su’aalo uu dadka inta badan weydiin jiray marka ay baraamijkiisa Koffee With Karan ka qayb galaan oo ah inuu kala doortay Shah Rukh Khan, Sidharth Malhotra iyo Aishwarya Rai Bachchan qofka uu guursan lahaa iyo labada uu dili lahaa.

Karan Johar wuxuu ku jawaabay “Waxaan guursan lahaa Shah Rukh Khan waayo gurin weyn oo qurux badan ayuu leeyahay”
Karan oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “Waxaan dili lahaa  Aishwarya Rai iyo Sidharth Malhotra waayo muran xoogan ayaa ka dhalan doono hadaan dhaho labadaan midkood ayaan guursan lahaa”
Dabcan Karan hadalkiisa wuxuu ula jeedaa in Aishwarya Rai Bachchan ay marwo tahay una dhaxdo Abhishek ceebna ku tahay inuu guursan lahaa hadii fursad la siiyo.
Sidoo kalena Siddharth  Malhotra isagana wuxuu jaceyl kala dhaxeeyaa atirishada dhalinta yar Alia Bhatt sidaas ayuu kaga gaabsaday inuu dhaho Siddharth waan guursan lahaa.
Balse Karan ma hilmaamay in SRK ay u dhaxdo Gauri Khan sidoo kalena hadalkiisa ka xumaan karto madaama uu qalbiyada Abhishek iyo Alia ilaaliyay maxaa u diiday inuu qalbiga Gauri Khan ilaaliyo

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here