Ma runbaa in Om Puri wadno xanuun kuso boday uusan u dhiman kadib markii dhaawac lagu arkay

Ma runbaa in Om Puri wadno xanuun kuso boday uusan u dhiman kadib markii dhaawac lagu arkay madaxiisa

0

Xidiga bollywoodka ee om puri ayaa geeriyoday jimcihi aynu soo dhaafnay asago ah 66jir waxana la sheegaya inuu u geeriyoday wadno xanuun. Sikastaba ha ahaate marki maydkiisa la baaray ayaa om puri laga helay dhaawac madaxiisa kuyaal ee kaliya aanu u dhiman wadno xanuun.

Om oo darawalkiisi ugu dhawaa saxibna la ahaa khalid kidwai ayaa boolisku wareesten waxaana uu yiri sida tan:

“saacado ayaan dawakhay markii aan subaxdi maqlay om puri geeridiisa, sidookalena habeenkaa wajigiisa waxa ka muuqatay niyad jab iyo caro aad u wayn, waayo habenka ayaa wuxuu rabay wilkiisa inu la kulmo Ishaan, aniga iyo asaga ayaa aadnay guriga xaaskiisa hore iyo wiilkiisa ku noolaayeen balse markaan tagnay waxa nalo sheegay inaay aaden xaflad , om puri ayaa wacay xaskiisi hore nadita waanay is khilaafen, wuxuna ku yiri si dhakhsa xaflada ugaso labta sababto ah balanka ahaa inaan la kulmo wiilkayga, om ayaa cabitan shubtay wuxuna sugayey 45daqiiqo markay iman waayeen om puri wuuso baxay, waxaana uu so raacay gaariga aan waday, asagoo khamriga si xun u cabaya kadibna waan baxnay”

Booliska ayaa xaqiijiyey marki ay maqlen gerida om puri asago dhulka yaalo oo madaxana dhaawac kaga yaalo, sidokalena ay shegen inuu wadno xanuun uu u dhiman, kuna quurbixin sariirtisa, balse xidigan ayaa hebeenki oodhan qamri cabayay sababtoo ah wuu caraysnaa sida darteed uu is celin waayey, dhulkana ku dhacay, saasna uu madaxa dhaawac kagaso gaaray.

Waxay kaloo booliska sheegeen in Om xaaladiisa ayna wanaagsaneyn intaanu dhiman, uu xita cafimaadkiisa malmo kahor ku sameeyay baaris loona sheegay inuu wadnihii wanagsan yahay. Balse waxa la sheegayaa in arimo qoyskisa iyo cabitanka qamriga uu sababay geeridiisa.

 

SHARE

LEAVE A REPLY