Mataqaan atoore maqaayad iibiniya iyo atriishad Engineer noqotay kadib markay ku fashilmeen shaqada bollywoodka iyo siday isku badbaadshen

0

Mataqaan Atoore Maqaayad Iibiniya Iyo Atriishad Engineer Noqotay Kadib Markay Ku Fashilmeen Shaqada Bollywoodka Iyo Siday Isku Badbaadshen

Shirkada bollywoodka ayaa adagtay qofkasta inuu shaqada horumar ka gaaro. Waxaana la xusaya in qofkasta galo tartan dhanka shaqadiisa ah, sidookale lama helo caawinad mar walba mana ahan mid xambaarsana lagama helo bollywoodka waxaana jira xidigo badan oo caan ah oo ka dhacay bolywoodka filimada dalka india markii la saaray shaqo xoog daran kuna hamiyey inay samaystan shaqo ayaga leeyhiin ama xirfado.

Laba maqaal ayaan idiin soo gudbin doona liiska dadka ku fashilmay bollywoodka oo samaystay shaqo u gaar ah.

Atriishada TWINKLE KHANNA:

Atriishadan ayaa 1995kii soo gashay bollywoodka, martayna jidki waalidkeed ee jiliinka lagu yaqaanay. Sidookalena bollywoodka waxay kuso gashay filimkii BARSAAT. Lacago badan iyo ganacsi badan ayuu fllimkaasi ka sameeyay Box officeka, sidookale atriishadaan ayaa samaysay dhowr filim oo kale balse waxay sheegtay inay bollywoodka ka baxday iyo shaqada filimkii 2001, sidookalena ay guursatay Akshay Kumar.

Markii ay 43sano jir ahayd ayay isku dayday sidookalena inay shaqooyin kale samayso.waxaanay doonaysay inay noqoto naqshadeeye sidookalena waxay samaysay shirkad u gaar ah oo filimada maal galisa.

Atriishada Mayuri Kang:

Mayuri ayaa lagu xasuusta filimkii papa kahte hain ee soo baxay sanadkii 1996kii, sidookalena kadib waxay samaysay filimo kale balse may awoodin inay saamayn balaaran ku yeelato bollywoodka, waxaanay isu badashay atriisho samaysa musasalada.

Waxaana laga haya filimada musasalka ee Dollar bahu iyo Karisham miracle of destiny, oona aha laba musal oo isu mida. Kadib waxaa dhacay fashilad wayn, waxayna goaansatay inay kulaabato waxbarashadeedii, New York university ayey waxay kuso baratay marketing iyo finance waxayna shaqo ka haysata Gurgaon.

Atriishada kim sharma:

Kim sharma ayaa bollywoodka kuso gashay filimkii derejada superhit gaarayna mohabatein sanadki 2000. Balse guusheda ayaa ahayd mid mudo gaaban socotay inkasto ay samaysay filimo lagu xusi dono hehlla,tom iyo dick and harry iyo yakeen.

Waxaanay macasalaamysay jiliinka waxanay guursatay ganacsadaha Ali punjani, arooskoduna ka dhacay kenya sanadii 2010kii kadibna waxay samaysatay hoteelo ganacsiyaa.

Dippanita sharma ayana waa Atriisho ka shaqaysa modelka waana 37jir

Marki ay shaqaysay filimada lagu xusi karo 16 december, ashambhav iyo jodi breakers, waxay goansatay inay iska dayso filimada oo ay ku biirto ganacsiga.

Waxaanay leedahay shirkada shazma luxury yacht sidookalena waxay leeday shirokado sigaara modelka uga shaqeeya waana ganacsato guulo gaartay.

 

 

SHARE

LEAVE A REPLY