Maxaa ka jira inay is jecelyiin Katrina Kaif iyo Aditya Roy Kapur?

Maxaa ka jira inay is jecelyiin Katrina Kaif iyo Aditya Roy Kapur?

0

Maxaa ka jira inay is jecelyiin Katrina Kaif iyo Aditya Roy Kapur?  Af Somali

Saxaafada india ayaa si wayn uga hadlay xariirka ka dhaxeya Aditya iyo Katriina Kaif, sidookalena waa laba qof oo saaxibo fiican ah isuna dhow. Balse wakhtir xaadirkan ayaa si dhaba ukala hareen Katrina Kaif iyo Ranbir Kapoor oo ay is jeclayeen. Saxaafada india ayaa dhankale u qaaday xariirka ka dhaxeeya Aditya iyo Katrina  waxayna sheegayan inuu xariirku ka wayn yahay saaxibtinimo balse uuka dhaxeeyo jacayl.

Lakin xaqiiqdu waxay tahay in Aditya iyo Ranbir  ay yihiin saxibo aad isu dhow, taasina ay meesha kasaari inuu haasawe la samayn karo katrina kaif. Sabaabto ah xeer aan qornayn ayaa diidaya inaad la haasawdo gabar uu xariir ka dhaxayn jiray saaxibkaga ugu wanagsan. Usbuuci laso dhaafay ayaa war soo baxay sheegaya inuu Ranbir ka caraysan yahay Aditya, maadama uu u dhow yahay saaxibtisa Katrina Kaif. Waxaa la xasuustaa inuu ka maqna aditya xafladi Ranbir uu ugu dabal dagayo gurigiisa cusub si uu wakhti ula qaato Katrina Kaif.

Sawirada wakhtiga lagaso bandhigay aaya sare u qaaday wararka laysla dhexmarayo ee ku saabsan jacaylkooda, balse Mr Kapur wuxuu ugu dambayn ka hadlay xariirka ka dhaxeeya Katrina Kaif wuxuuna cadeeyay xariir ka dhaxayn aan saaxibtinimo ahayn inaysan jirin, meeshana kasaaray jacaylka. Asagoo ka jawaabaya su’aal arintaan ku saaban ayaa wuxuu ku jawaabay:

“Dadku waxay sameeyan warar been abuur ah badh kamida wakhtiga, haa waa sax waxaanan doonaya inaan ka wada hadalno arimo ku saabsan shaqadeena. Marka aad mid tahay xidigaha bollywood ka dadku waxay ka helaan inay kahadlaan xariirkaga jacayl, ee kama hadlaan inta badan xariirkaaga shaqo. Inta badan waxaan ahaa nin jecel inuu kujiro nolol u gaar ah, Kumana faraxsani inaan aduunka lawaadago keliya Katrina Kaif ee saaxibtinimo ayaa naga dhaxaysa”

Markas kadibna waxaa wax laga waydiiyey xariirka ka dhaxeeya Shraddha Kapoor, wax badan ayaa laqoray arintan

“aniga iyo Shraddha waxba uma aragno wararkan beenta ah ee malinkasta la daabaco. Waa qayb kamida warbaahinta, namana saamaynayso wax dareenana masiino wararka inta badan.”

SHARE

LEAVE A REPLY