Om Puri markii uu badbaadiyey nolosha Naseeruddin Shah, wax makala socota wakhtigaa wixi dhacay

0

Om Puri Markii Uu Badbaadiyey Nolosha Naseeruddin Shah, Wax Makala Socota Wakhtigaa Wixi Dhacay

Om Puri iyo Naseerudin Shah ayaa ah labada halyey ee bollywoodka sidookalena waxay ahaayen laba saaxib oo aad isugu fiican isuguna dhow. Naseeruddin majirto cid uga aqoon fiican Om Puri oo jamcadii wadna xanuun ku yimid uu ugu geeriyooday magaalada Mumbai ee dalka India.

Naseerudin shah ayaa saxaafada u sheegay siduu Om Puri nafsadiisa u badbaadiyey  iyo wixii dhacay malintaas. Mr Shah ayaa buuga taarikh nololeedkisa ee lamagacbaxay “and them one day a.memoir” ayaa kaga hadlay abaal gudka uu u hayo saaxibkisa Om Puri ee nafsadiisa badbaadiyey maalintas oo ay weerar kusoo qaden rag mindiyo ku hubaysan isago wakhtigaa duubaya flimkiisa bhumika ee 1977kii, waxaana dhaawac ku yimid naseerudin shah. Waxana uu yiri

“Waxaan xiliga duuubayey flimka bhumika, Om iyo anigu waxaanu wakhtiga bartanka kaga jirnay cashada. Jaspal oo ahaa nin aan si aada iskaga ilaalinayey, ayaa weerar iguso qaaday, Waxu i galiyey toori waxaanay ahaayen asxaab kuso tashatay inay i dilaan, balse om ayaa soo booday waxuuna hor istaagay weerarki la igu hayey.”

Naseerudin oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:

“Wuxuuna ii huray naftisa, wuxuuna badbaadiyey naftayda, intaa kadib waxaan helay fursad aan dhaqdhaqaaq kusameeyo naftayda difaaco.”

Naseerudin ayaa xilgaas isbitaalka la dhigay, waxaana lagu guulaystay in la badbaadiyo naftiisa.”

 

SHARE

LEAVE A REPLY