Priyanka Chopra aya aamin san in laga gudbey waqtigi jilaaga cabsi gelin jirtey horumarka xidigaha kale.
Shabakada Hollywood aya albaabada ufuray xidigaha Hindiya ka soo jeedan  iney kaso muuqdan mashruuc kala duwan. Xidigaha sida ween ugu hirgaley aya kamid ah Deepika Padukone iyo Priyanka Chopra.
PC ayaa sheegtey “Midaasi waa sheeko horey lagaso gudbey (cabsida kadhan guusha xidigaha kale). Lagama yaabo iney niyadeyda kuso dhacdo. ” Priyanka aya usheegtey IANS marka la weydiiye fikirkeeda ku aadan sida xidigaha isdhax gal ka jiro iyo amanta shaqooyinka ey qabtaan iyo in dhexdooda dagaalaman.
Priyanka ayaa hadalkeeda raacisey “Wanku kalsoonahay shaqsiyadeyda iyo shaqada aan qabto. Waa asxaabteyda (xidigaha kale), waanla wadaaga guusha ay gaaran wana midan ku farax sanahay. Waxan aamin sanahay qofwalbo fursad inuu heli karo uu kuso bandhigo xirfadiisa. Waqtigi mugdiga waa laga soo gudbay.”

Priyanka aya safarkeeda fanka kaso  bilawdey 17 jir marki la gudon siiye abaal marinta Miss World. Kadib Bollywood ka ayey kuso biirtey sanadi 2003 filimka The Hero: Love Story of a Spy.
Priyanka ayaa ah xidiga kaliya ee ka soo jeedo South Asia oo kug uulestey abaal marinta The People’s Choice filimka Hollywood ee Quantico.
Sanadi 2016 PC aya noqotey daadiyaha xaflada Oscars Awards iyo Emmy Awards.
Waxa sido kale lagu casumey casho sharaf aqalka cad ee Mareekanka.
“Soo sare ahan, shabakadeyda Purple Pebble Pictures, waxa jiraan mashruuc badan oo leen igu jiran.” Priyanka aya sheegtey wareyse Online xili lala yeeshay.
Warbixintaan Waxaa Soo Diyaariyay Soona Turjumay Yahye Yusuf

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here