Jilaaga dhalinta yar Sushant Singh Rajput ayaa si lama filaan ah isaga baxay filimka xiisaha badan RAW (Romeo Akbar Walter) xili duubistiisa bilaaban rabtay.
Soo saare Bunty Walia ayaa jah wareeray madaama Sushanti si lama filaan ah mashruuca RAW uga baxay ayadoo wax walbo la diyaariyay.

Abhishek Bachchan  ayaa haatan bad baadiyay kooxda filimka RAW madaama uu aqbalay inuu filimkaan qayaanada iyo sirdoonka isku jiro ah hogaamiye ka noqdo.
Director Robbie Grewal ayaa ku farxay in Abhishek aqbalay sameynta filimka RAW wuxuuna ka cabsi qabay mashruucaan inuu noqdo mid meel la iska dhigo.
Filimka RAW sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa haatan looga hawl gali doonaa waxaana xusid mudan in Abishek iyo qarash gareeye Bunty Walia saaxiibo dhow yihiin.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here