Salman Khan kiis loo haystay mudo 19sana ayaa 18ka bisha junuary go’aan laga gaari doona

0
wararka filimada

Salman Khan Kiis Loo Haystay Mudo 19sana Ayaa 18ka Bisha Junuary Go'aan Laga Gaari Doona

Salman Khan kiiska loo haystay mudo 19sano ah ayaa go’aan laga gaari doona 18ka bisha junuary 2017Ka. Maxkamada ku taala magaalada Jodhpur ayaa ku dhawaqday inay go’aan kasoo saari doonto kiiska salman 19ka sano loo haysto oo ahayd. 1998 ayaa waxaa Salaman Khan lagu soo eedeeyey inuu isticmalay hub aan sharciyaysnayn, sidookalena warqada shatiga uu haystay xili horena ka dhacay wakhti ahaan.

Salman qorigi uu ku dilay ugaarta sanadkii 1998 uu ahaa mid aan sharciyeysnayn, sida darteed maxkada Jodhpur aya ka codsatay salman khan inuu yimaado 18ka bisha junuary ee 2017ka uuna dhagesto go’aanka.

Salman khan hadi lagu cadeeyo in uu ku dilay qoriga ugaarta uu aahaa mid sharci dara waxa lashegaya in 7 sano xariga lagu xukumi doono.

 

SHARE

LEAVE A REPLY