Filimka Secret Superstar ayaa u suura gashay inuu 100 Crore soo xareeyo isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka waana ganacsi marka loo fiiriyo filimkaan inuu yahay mid yar oo Aamir Khan uusan hogaamiye ka ahayn.

Secret Superstar Talaadadiisa labaad wuxuu gudaha Hindiya ka keenay 1.25 Crore (Trade Figure) isla lacagtii uu Isniintiisii labaad keenay ilaa iminkana wuxuu soo xareeyay 53 Crore (Trade Figure) mudo 13-maalmood ah.
Marka laga hadlaayo gudaha Hindiya lacagaha canshuurta ka hor wuxuu keenay 69 Crore (Gross Money) halka suuqyada caalamka uu ka keenay 32 Crore (Overseas) taasi oo ka dhigan wadarta guud isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka inuu filimkaan soo xareeyay 101 Crore (Worldwide Gross).

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here