Suldaan Mahesh Babu filimkiisa SPYder ayaa si rasmi ah tiyaatarada kaga dagay waxaana lasoo bandhigay ganacsiga uu sameeyay dibad iyo dal.
Filimka SPYder wuxuu soo xareeyay 93 Crore (Worldwide Gross) ganacsigiisa isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka waxaana saami ahaan laga helay 49.40 Crore (Distributor’s Share).
SPYder natiijo ahaan wuxuu noqday Double Disaster waxayna la kulmeen kooxda cajaladaha qeybiyeen filimkaan qasaaro taariikhi ah madaama 124 Crore ayay ku iibsadeen kaliya 39.8% ayaa dib ugu soo laabatay lacagtoodii!
Shabakada Andhara Boxoffice ayaa soo daabacday SPYder ganacsiga uu suuq walbo ka sameeyay fadlan hoos kaga bogo:
Dhul weynaha Telugu AP/Nizam wuxuu ka keenay 53.70 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 31.95 Crore
USA Boxoffice wuxuu ka keenay 10.10 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 5.05 Crore
Gobolka Karnataka wuxuu ka keenay 11.70 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 5.10 Crore

Gobolka Tamil Nadu wuxuu ka keenay 10.60 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 4.40 Crore
Gobolka Kerala wuxuu ka keenay 1.30 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 0.50 Crore
Hindiya iyo Dunida inteeda kale wuxuu ka keenay 5.60 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 2.40 Crore
Wadarta Guud Lacagaha Uu Keenay Dibad iyo Dal 93 Crore, Saami Ahaan Waxaa Laga Helay 49.40 Crore
Iskoorada Xun Ee Uu Filimka SPYder Soo Kordhiyay:
Waa filimka qasaaraha ugu weyn lagala kulmay oo ay ebid Koonfur Hindiya oo dhan sameeyeen Tamil, Telugu, Malayam, Kannada iyo dhamaan shirkadaha kale!!!!
Waa filimka labaad ee qasaaraha ugu badan lagala kulmay oo ay Hindiya sameeyaan kaliya waxaa ka qasaaro badnaa filimka Bombay Velvet oo 2015 Ranbir Kapoor sameeyay!!!
Run Ahaantii Suldaan Mahesh Babu Jab Taariikhi Ah Ayaa Ku Dhacay

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here