Waxay ahed xili Sridevi ay aad ugu mashquul santahay xayeysiin usameynta filimkeedii la daawaday eeMom kaaso uu Director ka ahaa Ravi Udyawar halka uu qarash gareye ka yahay Boney Kapoor waxaana la daawaday bishi july ee aan soo dhaafnay

sido kale waxaa Sridevi filimkaan kala soo muuqdeen xidigaha kala ah Akshaye Khanna, Abhimanyu Singh, Sajal Ali  iyo Adnan Siddiqui.

hadaba Sri intee ku guda jirtay xayeysiimaha filimkeeda mid kamid ah ayaa saxaafada la falgashay xidigtaan waxayna ka wareysteen waxyaabo badan.

xidigtaan ayaa meesha ka cadeysya sida xad dhaafka ah oo ay isku jecelyihiin ayada iyo ninkeeda Boney Kapoor, Sridevi oo hadleysa hadaladeedi waxaa kamid ahaayen.

“kadib markee waalidiin teyda geeriyoodeen waxaa hooyo, aabo iyo waliba nin ii noqday ninkeyga Boney Kapoor kaaso jaceyl xad dhaaf badan isiiyay.”

” waxaan isla noolnahay 22 sano marwalbana waa kii ifarxad galiyaa xataa dadka ayaa marqaati ka ah midaa, aadbaan ola dhacay runtii.”

Sridevi oo filimka Mom ku matashay  hooyo laba gabdhood hooyo u ah, sido kalena Sridevi nolosha dhabta ah waxay hooyo u tahay labo gabdho oo aad uquruxbadan.

mid kamid ah gabadheeda taaso lagu magacaabo Jhanvi ayadoo ka hadleeysa iyo nin nooca ay guursan doonto gabadheeda waxay tiri Sri,” gabadheyda Jhanvi  waxay iishegtay marka ay booqato guryaha saaxiibadeeda kalama kulanto qoyskaas farxad mida aan anaga heysano.”

” sidaa awged Jhanvi waxay doonneysa mustaqbalka inee guursato nin aabahed Boney Kapoor oo kale ah, si ay farxad fiican iyo jaceyl fiicanba u hesho.”

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here