Bollywood King Khan oo maanta u dabaal dagayo sanad guuradiisa 52-aad ayaa madasha Bollywood-ka heesto waana atooraha ugu caansan looguna jecel yahay daafaha caalamka.
Waxaa kasoo wareegatay 26-sano markii SRK uu guursaday jaceylkiisa Gauri Khan oo ay is barteen xiligii ay ardayda ahaayeen waana lamaane nolosha heerarkeeda kala duwan isla soo mareen.
SRK oo aad u jecel xaaskiisa Gauri Khan sidoo kalena noloshiisa qayb ka ahayd tan iyo sanadii 1984 xiligii ay isbarteen ayaa saxaafada ku yiri “Hadii shaqadeyda filim jilista iyo Gauri kala dooro la i dhihi lahaa waxaan dooran lahaa hubaal ahaan Gauri”
“Waan isaga bixi lahaa fanka ama filim jilista waan joojin lahaa si aan Gauri u helo maantadan la joogo xitaa Gauri wax aan ku doorsanaayo ma jirto”

SRK ayaa dib dadka u xasuusiyay sheeko dhex martay asiga iyo filim soo saaraha F C Mehra kaasi oo ka dalbaday inuu aqal galkiisa dib u dhigo ilaa filimkiisa Chamatkar tiyaatarada laga saarayo, micnaha halkii uu 1991 SRK ka aqal gala in dabyaaqadii 1992 uu aqal galo.
SRK wuxuu soo saare Mehra ku yiri “Xaaskeyga ayaa wax walbo ka horeyso, sidaa darteed hadii mustaqbalkeyga fanka iyo Gauri kala dooro la ii dhaho Gauri ayaan dooran lahaa”
“Gauri waa waxa kaliya ee aan heesto markii aan waayay hooyo iyo aabo iyada ayaa wax walbo ii noqotay sidaa darteed filim jilista agteyda raqiis ayay ka tahay”
Dabcan SRK 25-sano ka hor asigoo aan magac laheyn ayuu diiday inuu xaaskiisa filim jilista ka doorto balse ka waran maanta uu yahay Super Star-ka Hindiya ugu weyn waa hubaal in Gauri wax walbo kala qiimo badan tahay.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here