Bollywood King Khan wuxuu ka mid yahay xidigaha Bollywood-ka ee balwada saaxiibka lah sidoo kalena la arko asigoo sigaar cabayo xili walbo sidoo kalena marka uu ka qayb galo xafladaha qaaska ah waa qasab inuu qamriga cabo.
Balse SRK ayaa markaan qorsheenayo caruurtiisa dartooda inuu u joojiyo cabista sigaarka iyo qamriga asigoo marar badan talooyinka dhaqaatiirtiisa hareer maray.
“Waxaan qorsheenayaa inaan joojiyo cabista sigaarka iyo qamriga oo aan in mudo ah yareenayay adeegsigooda, waxaana rabaa inaan xooga saaro jimicsiga iyo ka warqabka caafimaadkeyga”

“Waxaan ahay 52-jir aabo u ah 4-jir (AbRam) oo wax walbo iiga baahan, sidoo kalena caruurteyda kale waa qaangaar ayagana masuuliyad kale ayay iga rabaan”
“Sidaa darteed hadii Alle idmo (Insha Allah) waxaan rabaa 20-ka sano ilaa 25-ka sano ee nagu soo fool leh inaay caruurteyda siiyo waqtigeyga ugu badan anigoo rabo inaan u noqdo tusaale ay ku dayan karaan”
“Marka waa qasab cabista sigaarka iyo qamriga inaan gabi ahaanba meesha ka saaro si iyagana ay u fahmaan hadii wax fiican ay yihiin in aabahood uusan iska dhaafi laheyn waayo wax fiican ma aha waxaan isticmaalaayey caafimaad ahaan iyo dhaqan ahaanba!!”
Shah Rukh Khan ayaa sheegay in asigoo 15-jir ah uu waayay waalidkiisa midaasna ay ku qasabtay xanuunkii badnaa iyo murugadii soo wajahday inuu balwada saaxiib la noqdo markii dambena ay ku adkaatay inuu joojiyo laakiin hada la joogo xili uu wax walbo ka tanaasuli lahaa.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here