Bollywood Action Hero Suniel Shetty ayaa baraha bulshada dib ugu soo laabtay tan iyo markii aabihiis Veerapa Shetty uu geeriyooday bilawgii bishaan.
Hadaba Suniel oo ah halyee Bollywood-ka mudo dheer kusoo jiray hadana baraha bulshada dhawaan ayuu kusoo biiray kadib markii caruurtiisa Athiya iyo Ahan ku qasbeen.
Suniel Shetty ayaa baraha bulshada soo dhigay qoraal uu gacantiisa kuwoo qoray kuna muujiyay muhiimada ay leedahay in qof walbo reerkiisa ama qoyskiisa waqti siiyo wax walbana uu ka hormariyo.

Suniel qoraalkiisa wuxuu ka koobnaa “Aas aaska farxadeena waa qoyska aan heesano, xaqiiqada waxay tahay saaxiibada qayaaliga ah ee baraha bulshada lagu leeyahay inaysan farxad ku siin karin”
Suniel warqad uu gacantiisa kusoo qoray ayuu sawir kasoo qaaday waxaana ku qoran warqada “1250-saaxiibo ayaan ku leeyahay Facebook, 588-saaxiibo ayaan Twitter ku leeyahay, sidoo kalena 743-saaxiibo ayaan Whatsapp ku leeyhay”
“Laakiin ka banaanka ICU (intensive care unit) goobta lagu daryeelo qofka koomada ku jiro, kaliya wuxuu heestaa xaaskiisa, caruurtiisa iyo waalidkiisa, ayagana waqti badan ma uusan helin inuu la qeebsado”
“Sidaa darteed saaxiibada qaaliga ah ka baxa dunida qayaaliga ah lana qaata waqti tayo wanaagsan qoyskiina”
F.G: Suniel wuxuu ka hadlaa Facebook & Twitter uu shaqsi ahaan u leeyahay ee kama hadlaayo Pages-ka uu saaxiibadiisa kula wadaago aqbaaraadka Sido Kalena Hadalkaan Dhowr Bil Kaho Ayuu Yiri

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here