Atirishada Kareena Kapoor Khan waa Superstar mudo 17-sano fanka Hindiya ku jirto sidoo kalena guusha u saaxiib ah maqaam sare gaartay, hadana waxaa jiraan xaqiiqooyin ay macquul tahay aqriste inaada ka aqoonin quruxleydaan magaceeda caalamka ku baahay.
Kareena Kapoor Ma Ahan Qof Game Ama Waxyaabaha Lagu Mada Daalo Adeegsato: Bebo waa qof aan jecleyn isku mashquulinta waxyaabaha lagu mada daalo sida Game-ka aaladaha casriga laga adeegsado ee Gadgets loo yaqaan.

Kareena Kapoor 16-shirkad ayay xayeysiin u sameynaa lacagta sarena aflaanta wey ku qaadataa: Bebo waa xidig aan marnaba dhulka galeyn haatana waxay heesataa 16-shirkadood oo xayeysiin kala duwan u sameyso sidoo kalena aflaanta lacagta sare ayay ku qaadataa sameyntooda taasi oo ka dhigtay in marwalbo daqligeeda aad u sareeyo.

Kareena Cunnada Aadbay U Jeceshay Gaar ahaan Baastada: xidigtaan waxay sheegtay hadii aysan tababar jirdis maalin walbo sameyn laheyn miisaankeeda 100-kiilo ka badan lahaa, cuntada aad ayay u jeceshay gaar ahaan baastada iyo mac macaanka culus sidaa darteed afka iyo gacanta makala celin karo laakiin jirkeeda ma dayacdo!

Kareena iyada ayaa bilaawday falsafada atirishooyinka hada ku waalan yihiin size zero: Bebo ayaa bilaawday adeegsiga iyo iska dhigida nidaamka loo yaqaan size zero oo ah in miisaanka atirshooyinka aad u ridaan sidoo kalena ay noqdaan kuwo labis kasto xayeysiin karaan, haatana atirisho walbo ayaa jecel inay size zero iska dhigto halkii miisaankeeda badnaan lahaa.

Kareena iyo Heerka Aqoonteeda inta ay Gaarsiisan tahay: Kareena waxay wax ka baratay Mithibai College ayadoo shahaadada heerka kowaad dhanka ganacsiga ku qaadatay balse waxay sii wadi weesay barashada sharciga. Kadib xidigtaan waxay Jaamacada Harvard University ka baratay koorso sedex bilood ah koorso micro-computers oo ah in qofka barto aas aaska adeegsiga kumbiyuutarka iyo waxyaabihii la hal maalo.

Kareena Magaceeda Sida Uu Ku Yimid: Kareena Kapoor magaceeda waxaa laga soo min guuriyay buuga caanka ah Anna Karenina oo ay hooyadeed aqrisan jirtay markii ay uurkeeda lahaye, hooyo Babita ayaa meel ku qoratay in gabadheeda ay Kareena u bixiso waxayna kala soo dhex baxday buuga ay aqrisan jirtay Anna Karenina magaca gabadheeda.

Kareena iyo iskoorkii ay dhigtay marka filimka Heroine duubeesay: Bebo ayaa xiratay 138-dhar oo kala duwan lana naqshadeeyay inta duubista filimkeeda Heroine socotay, waana labiskii ugu qaalisnaa atirisho hal filim adeegsato.

Kareena waxay ka shaqeesay isku keenista waalidkeed: aabaheed Randhir Kapoor marna ma rabin in labadiisa gabdhood Karishma iyo Kareena fanka ku biiraan balse hooyadood Babita ayaa la rabtay sidaa darteed qoyskan bur bur ayaa ku yimid noloshoodii.
Babita labadeeda gabdhood iyada ayaa soo korsatay halka Randhir uu caruurtiisa deyriyay xaaskiisana ay kala tageen balse si rasmi ah isku furin.

Mudo dheer kadib Kareena oo kaashaneyso walaasheed ka weyn ayaa ku guuleesatay inay aabaheed iyo hooyadeed dib isugu maslaxeyso haatana Randhir iyo Babita hal meel ayay ku wada nool yihiin xumaantii dhex tiileyna gabadhodoa Kareena ayaa ka shaqeesay inay meesha ka baxdo.
Kareena kusoo biiritaankeedii Bollywood-ka ayay muran madasha lasoo gashay: Kareena waxay saxiixatay sidoo kalena maalmo ay wax ka duubtay filimka Kaho Na Pyaar Hai ayada iyo Hrithik Roshan ayaa la isla soo caan bixin rabay.
Balse Kareena ayaa la tashatay walaasheed Kareena iyo hooyadeed Babita waxayna isla qaateen go’aan ah inay Kaho Na Pyaar Hai isaga baxaan ayagoo dareemeen in Director Rakesh Roshan awooda filimkaan wiilkiisa kaliya siinayo!

Sidaa darteed Kareena wey isaga baxday Kaho Na Pyaar Hai waxayna saxiixatay sameynta filimka Refugee oo ay isla soo caan baxeen Abhishek Bachcan ayadoo filimkaan awood balaaran kusoo bandhigtay abaal marino kala duwana u qaadatay.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here