Superstar Vijay todobaad walbo darajo cusub ayuu garaayaa madaama filimkiisa Mersal todobaadkiisii kowaad uu ka caawiyay darajada 150 Crore inuu gaaro markii ugu horeeesay haatana 200 Crore ayuu gaaray isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka.
Mersal mudo 12-maalmood ah ayuu 200 Crore kusoo xareeyay dibad iyo dal waana markii ugu horeesay Vijay filimkiisa intaan oo lacag ah soo xareeyo waana guul weyn oo Superstar-kaan usoo hoyotay.
Fadlan hoos kaga bogo mudo 12-maalmood ah filimka Mersal lacagaha uu soo xareeyay suuq walbo oo muhiim ah:
Gobolka Tamil Nadu – 108 Crore
Gobolka Kerala – 18.20 Crore

Gobolka Karnataka – 14 Crore
Hindiya inteeda kale – 4 Crore
Suuqyada caalamka – 68 Crore
Wadarta Guud dibad iyo dal – 208 Crore (Worldwide Gross)
Filimka Mersal haatan waa Hit dhameestiran madaama 200 Crore uu gaaray waana darajadii uu Hit ku noqon lahaa waayo kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ku iibsadeen 113.50 Crore.
Vijay banaanka ayuu is keenay waayo atoorayaashii waa weynaa ee Koonfur Hindiya kuwaas oo mashaariic qaali ah sameeyeen wey la fariisatay sida Mahesh Babu Spyder iyo Ajith Kumar Vivegam laakiin Vijay filimkiisa Mersal Koonfur Hindiya dib ayuu neefta ugu soo celiyay.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here