Atiriishada quruxda badan ee gudaha India iyo daafaha caalam kaba laga jecelyahay ayaa maanta udabaal dageysay dhalashadeeda ayadoona maanta jirsatay 44 sano.
Hadaba xidigtaan maqaamka sare fanka ka gaartay sido kalena quruxdeeda nin walba ku riyoodo inuu helo ayaa waxaa jiro atoore kamid ah atoorayasha Bollywoodka oo xidigtaan indhihiisa aanba ka qaadin xili walba oo uu la kulmo.
Atoorahas atoore kale ma ahan waa Akshaye Khanna oo jimcadan tiyaatarada loo saari doono filimkiisa Ittefaq oo ay kula weheliyaan Sidharta Malhotra iyo Sonakshi Sinha.

Xili uu filimsameye Karan Johar waresyi la yeeshtay hogaamiyaasha filimka uu maalgaliyaha ka yahay Ittefaq ayaa arinkaan la ogaaday, Karan ayaa Akshaye weydiyaya suaal ku aadan waa tuma atiriishada ugu quruxda badan uguna shidan taaso naagnimo loo xulan karo ee Bollywoodka katirsan.
Hadaba Akshaye ayaa si degdeg ah oga jawaabay arinkaan wuxuuna yiri,”Waa Aishwarya Rai, maba ka qaado indhaheyga hadaan arko ama aan la kulmo xiligee doonto ha ahaate waa gabadha ugu soo jiidashada badan Bollywoodka.”
Filimka Ittefaq waxaa hogaamiyaal ka ah Sidharta Malhotra, Sonakshi Sinha Iyo Akshaye Khanna waana filim kiis baaris action kudheehan iyo cabsi iskujirto ah waxana la daawan doona 3 Nov oo ku beegan jimcaha nagu soo foodleh.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here