Atoorayaasha reer Tamil, iyo Talegu, ee kasoo jeeda Konfur Hindiya, waxaa  dhameestiran aflaam badan kuwaaso wali lasoo dayn balse laga fikirayo wakhtiga ladaawan lahaa.

Hadaba flimka Vivagam, ee uu hogaamiye ka yahay Thala Ajith Kumar oo kasoo jeeda Koonfurta Hindiya, ayaa maanta laxaqiijiyey xiliga ladaawan doono.

Flimka Vivagam aqbaartiisa waxaa xaqiijiyey Ramesh Bala, waxaanu sheegay in flimkan ladaawan doono 10 Augest oo ay ka harsanyihiin 28-maalmood oo kaliya.

Flimka Vivagam atooraha hogaaminaya ee Ajith Kumar, markan waxuu kusoo bandhigi doona ficilo aad u halisa oo naf u gu’i karto flimkan Ajith Kumar waxuu ku jilayaa Sirdoon dawladeed oo dambiyo badan baaraya.

Flimkan Vivagam waxaa Directorka ah Siva, oo hore atoorahan ugu sameeyay aflaam badan kuwaaso noqday Hit waxaana kamida Veeram, iyo Vedhelam.

Flimka Vivagam waxaa lagu maal galiyey lacag gaaraysa 100-Crore waxaana larajaynayaa guud ahaan inuu lacagahaa iska soo celin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here