Sayesha Saigal sidaan wada ognahay waxaa ayeey u ah Saira Banu sidookale waxaa awoow u ah Dilip Kumar flimkeedii ugu horeeyayna waxuu ahaa Akhil waxaana sameeyay xidigo kasoo jeeda Koonfur Hindiya.

Hadaba atriishadan ayaa laga soo daabacay maqaal cusub kaaso ah in atriishadan guri ay ka iibsan rabto Koonfurta Hindiya gurigaas waxaa iska le atriishada caanka ah ee Samantha Ruth Prabhu waxaanay ku leedahay Hydrabad.

Sayesha Saigal hore waxay u iibsatay guri asla kuyaala Hydrabad gaar ahaan Plush Locatin, balse atriishadan intaas kuma eeke waxay rabtaa in ay iibsato guri kale si ay ugu nasato xiliyada qaar.

Sayesha Saigal hadaan jaleecno xaga shaqada waxay duubaysa flimka Tamilka ah ee Karappu Raja oo ay hogaaminayan Karthi iyo Vishal.

Sidookale flimkan waxaa Director ka ah flimsameeyaha caanka ah ee Prabhu Deva, oo sameeya aflaam isugu jirta Bollywood iyo Tollywood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here