Hore ayay u wada shaqeeyen Super Star Talegu Pawan Kalyan iyo Super Star Bollywood Boman Irani , hadaba wada shaqayntaa kadib guusha ay gaaren markale ayay isu soo laabteen waanay wada shaqayn doonan.

Director Trivikram Srinivas waxuu ahaa shaqsigii isku keenay Pawan Kalyan iyo Boman Irani sidookalena ay ka wada shaqeeyen mashruuc guulaystay, haatanna labadan jilaa Director Trivikram ayaa ku daray flimka PK25.

Akhriste flimkan labadan jilaa markale kawada shaqaynayaan waa kee?, waa flimka uu hogaamiye ka yahay Pawan Kalyan ee aan magaca loo bixin wali, balse loogu yeedho Pawan Kalyan flimkiisi 25-aad ama PK25.

Hadaba mashruucaa uu hogaamiye ka yahay Pawan Kalyan, waxaa kula soo biiray saaxibkiisa ay hore u wada shaqeeyen ee Boman Irani.

Flimkan waa flim la hubo in uu guulo gaari doona maadamo kujiraan Super Staaradii guusha u saaxibka ahaa sida flimkan la qorshe dhigayna waxaa ladaawanaya bisha September ee sanadkan 2017ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here